Maxkamada Racfaanka oo u fariisanaysa dacwadda mas’uuliyiin loo haysto Musuq

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamada Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saakay dhageysiga 2aad ka yeelaneysa dacwad Musuq-maasuq ah oo loo heysto saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhaxe.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir , Saciid Cali Maxamed ayaa sheegay in maanta ay maxkamaddu u fariisan doonto dacwadda saddex eedeysane, kuwaas oo 8-dii bishan racfaan ka qaatay dacwadda ka dhanka ah.

Guddoomiyaha ayaa ku celiyay codksi ku aaddanaa in uu wakiilka Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud soo bandhigo dhammaan caddeynaha loo cuskan karo dacwadda ka dhanka eedeysanayaasha.

Dhagaysiga labaad ee ay Maxkamadda racfaanku ka yeelanayso eedeysanayaashan ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here