Maxkamadda sare oo bilowday dhageysiga dacwadda kursiga Fahad Yaasiin

0
La taliyaha amniga qaranka Fahad Yasiin

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadda kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, kaas oo ay deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne.

Maxkamadda oo fadhigii ugu horreeyey ka yeelatay dacwadda kursigan oo ah mid xasaasi ah ayaa dhageysatay dooda labada dhinac oo muddo socotay.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed oo soo xiray maxkamadda ayaa sheegay inay maalmaha soo socdo qaraar rasmi ah kasoo saari doonaan kursigaasi.

HOP086 ayaa waxaa hakiyey guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal (FEIT), inkastoo HirShabelle ay ka hortimid go’aankaasi oo khilaaf horleh ka abuuray dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here