Midowga Africa oo diiday dalab DF Soomaaliya u gudbisay UN-ka

0

ADDIS ABABA (SMN) – Midowga Africa ayaa is-hortaag ku sameeyay, islamarkaana diiday dalabkii dowladda Soomaaliya 19-kii bishan u gudbisay Gollaha Amaanka ee ahaa in dib loo dhigo mudo 3 bilood ah dhismista Ciidamada ATMIS.

 

Inkastoo wali Midowga Africa kasoo bixin war rasmi ah oo arintan ku saabsan, haddana diblomaasiyiin ku sugan dalka Itoobiya oo ku taalla xarunta AU-da ayaa sheegay in qorshaha 3-da kun askari dhamaadka bishan looga soo qaadayo Soomaaliya uu wali sidiisa yahay, islamarkaana waxba kama jiraan uu yahay codsida dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka codsatay Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobay inuu hakiyo Ciidamada ATMIS ee laga qaadayo dalka si ay kuwa xooga dalka u helaan waqti ay dib isu abaabulaan ka dib markii ay weerarro rogaal-celis ah kala kulmeen Al-Shabaab, kuwaasoo ku qasbey in ay isaga baxaan goobo dhowr ah oo Ceelbuur ay kamid tahay.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si rasmi ah u codsaneysaa hakad farsamo oo ku aaddan dhimista 3,000 oo askari oo ATMIS katirsan saddex bilood gudahood,” ayaa lagu yiri warqadda, Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya u diray 19kii bishan Gollaha Amaanka.

Ujeedka dalabka ayaa lagu sheegay inuu yahay in laga hortago marnaansho dhanka amniga saldhigyadii ay ciidamada Atmis faarujinayaan, maadaama dowladda awoodeeda isagu geysay dagaalka Al-Shabaab, islamarkaana ciidanka intiisa badan ay jiraan furimaha hore.

Bishii June 30-keedii, Atmis ayaa soo gabagabeysay wajigii koowaad ee dhimista oo 2000  askari la qaaday, balse waxaa ka mid ah casharrada laga bartay weerarradii dhimashada badnaa ee Al Shabaab ay ku qaadeen qaar kamid ah saldhigyada lagu wareejiyay Ciidanka xoogga dalka.

Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaya in ciidamada ATMIS-ka ay isaga baxaan Soomaaliya dhamaadka sanadka soo socda, iyadoo ay mas’uuliyadda amniga ku wareejinayaan ciidamada Soomaaliya, oo bishii June buuxiyay 6 saldhig oo kuwa Midowga Africa ka baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here