Midowga Afrika oo dalbaday maalgelinta ciidamo lagu beddalayo ATMIS

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa shaaciyay in la sameynayo Ciidamo gaar ah oo sii joogi doono dalka Soomaaliya kadib marka ay baxaan askrta ATMIS bisha December ee sanadkan, waxaana uu dalbaday in dhanka dhaqaalaha laga taageero.

 

Waxaa socda diyaar garowga howlgal xiga mid ATMIS ee sii dhamaanaya, iyadoo ujeedku yahay in lasii wado horumarka la gaaray dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sugida amniga goobaha ku jira gacanta dowladda Federaalka, oo ah kamid yihiin saldhigyada ay kala wareegayso Ciidamada Midowga Afrika.

1-da January ee 2025 ayay howlgalkooda billaabi doonaan Ciidanka la qorsheeyay inay bedelaan kuwa ATMIS.

“Gollaha Nabada iyo amaanka Midowga Afrika waxuu soo dhawaynaysaa soo jeedinta dawladda Soomaaliya ee ku aaddan habaynta ciidanka gaarka ah, waxuuna tixgelinayaa codsigii dowladda ee ahaa in laga taageero dhanka nabada laga bilaabo Jan. 1, 2025,” ayaa lagu yiri qoraalka Gollaha.

Goluhu wuxuu ku celceliyay in loo baahan yahay in la sii wado taageerada Soomaaliya iyadoo la siinayo ahmiyada koowaad tayaynta ciidamada qaranka maadaama ay la wareegayaa dhamaadka sanadkan mas’uuliyadda amniga dalka.

Taageerida beesha caalamka oo lasoo wado waxay caawin doonto dowladda Soomaaliya in ay dardargeliso abuuritaanka ciidamada awood badan iyo dadaallada isku dhafka ah ee askarta kala duwan ee ay leeyihiin maamul goboleedyada, si loo xaqiijiyo in dalka uu yeesho cudud militeri oo midaysan.

Illaa hadda, howlgalka ATMIS ayaa ka saarey Soomaaliya 5,000 oo Askari, waxa ayna 13 Saldhig oo Ciidan ku wareejiyeen dowlada Federaalka intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee soo afjarmay December 2023-ka.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa isku diyaarinaya in 4,000 oo askari oo dheeraad ah laga saaro Soomaaliya bisha June ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here