Midowga Afrika oo si kulul u cambaareeyay weerarrada ka dhacay Maali

0

Addis Ababa – Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay weerarro ka dhacay dalka Maali, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo khatar weyn ku ah shacabka rayidka ah iyo xasilloonida guud ee dalka.

 

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in uu si weyn uga xun yahay falalkan, isagoo ku tilmaamay kuwo halis gelinaya nolosha dadka rayidka ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Maali, isla markaana ay garab taagan yihiin shacabka iyo ciidamada ammaanka ee dalkaas.

Weerarradan ayaa dhacay Sabtidii, iyadoo iska horimaadyo xooggan laga soo sheegay caasimadda Bamako iyo sidoo kale gobollo kale oo muhiim ah. Kooxo hubeysan oo lagu tilmaamay argagixiso ayaa beegsaday goobo istiraatiiji ah, hase yeeshee ciidamada Maali ayaa sheegay inay si degdeg ah uga falceliyeen, isla markaana ay dib u riixeen kooxihii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, weerarro kale ayaa laga soo sheegay magaalooyinka Gao, Kidal iyo Sévaré, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladda amni ee dalka.

Maali ayaa muddo dheer la daalaa dhacaysay xaalado amni darro iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo ka howlgala qeybo kala duwan oo dalka ah, iyadoo xaaladdu weli tahay mid cakiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here