Midowga musharixiinta oo ka soo horjeestay habraaca doorashooyinka

0

Golaha midowga musharixiinta ayaa si weyn kaga horyimid habraacii doorashooyinka ee ay shalay ku heshiiyeen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

War-murtiyeed ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in habraacii ka soo baxay golaha wada-tashiga qaran uu yahay mid khilaafsan dastuurka dalka iyo heshiiskii 27-kii May, sida ay ku sheegeen warka qoraalka ah ee ka soo baxay musharixiinta mucaaradka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in si toos ah doorashada Golaha Shacabka loogu gacan geliyay madaxda dowlad goboleedyada dalka, si lamid ah middii Aqalka Sare.

“Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii kasoo baxay Golaha Wadarashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qoddobada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayidka, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwaan-gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyay madaxda dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay golaha midowga musharixiinta ayaa intaasi ku sii daraya “Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagna isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxmed Cabdilaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.”

Ugu dambeyn golaha ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta habraaca lasoo saaray oo ay tilmaameen inuu dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudihiisa uu magacaabis toos ah yahay.

“Goluhu wuxuu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta doorasho la boobo ama lagu shubto oo ay kamid tahay in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamin baxaan doorashadeena, in nidaamka dowladnimada uu waayo sharciyadda iyo aqoonsiga shacabka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta doonaysa dowladnimo sax ah.” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here