Midowga Yurub oo faah faahiyey weerar ay fuliyeen burcad-badeeda

0
Ciidanka la dagaalanka burcad-badeedka Midowga Yurub ayaa sheegay in weerar labaad oo lagu qaadey Markab ganacsi inuu ka dhacay bishan gudaheeda xeebaha dalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay howlgalka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay badbaadiyeen markabka MV Anatolia oo khatar ku galay biyaha Soomaaliya kadib markii burcad badeeda ay weerartay.
Doon ay saarnaayeen afar dabley ah ayaa isku dayay markabka MV Anatolia inay ku afdubeen badweynta Hindiya, balse laga hortagay kadib markii ay usoo gurmadeen Ciidanka la dagaalanka burcad-badeeda Midowga Yurub.
Waa markii labaad oo isku day afduub marka uu ka dhacaya xeebaha dalka Soomaaliya oo mudooyinkii dambe ka nastay afduubka maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha gacanka cadan iyo badweynta Hindiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here