Midowga Yurub oo joojiyay dhaqaalihii gargaarka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray WFP qeybta Soomaaliya ka dib markii baaritaan uu sameeyay xafiiska Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan oo lagu sameeyay gargaarka loogu talagalay in lagu baajiyo macluusha Soomaaliya.

 

Ururka Midowga Yurub ayaa in ka badan 7 milyan oo doollar ku siyay WFP sannadkii hore, taasoo qeyb ka ahayd in ka badan $1 bilyan oo loo qoondeeyay Soomaaliya, sida ay muujinayso warbixinta Qaramada Midoobay.

Balazs Ujvari, oo ah afhayeenka guddiga Yurub, ma xaqiijin mana beenin warkan, laakiin wuxuu yiri illaa hadda Midowga Yurub lama wadaagin go’aanka la-hawlgalayaasheeda UN-ka ee fuliya mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub.

Mid ka mid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub ayaa sheegay in goโ€™aanka la qaatay kadib markii baaritaankii Qaramada Midoobay lagu soo gabagabeeyay in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug lahaayeen xatooyada gargaarka Soomaaliya.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo dheeraad ah, sida in laย bedelo kuwa falkan ku kacay, lana saxo nidaamka.

Waxay soo xigatay warbixinta QM barakacayaasha oo sheegay in lagu qasbay inay bixiyaan kala bar kaalmada lacageed ee ay helaan oo ka qaataan dadka xilalka haya iyadoo ay wajahayaan hanjabaado ah in laga saarayo liiska ka-faa’iideystayaasha deeqda.

Deeq-bixiyeyaashu waxay kordhiyeen dhaqaalaha ay siiyaan Soomaaliya sannadkii hore iyadoo saraakiisha bini’aadantigu ay ka digeen macaluul soo fool leh oo ka dhalatay abaartii Geeska Afrika ee ugu xumayd muddo tobanaan sano ah.

Macaluul ayaa laga hortagay, sida ay muujinayaan xogta rasmiga ah, balse dad gaaraya 43,000, oo kala bar ay yihiin carruur da’doodu ka yar tahay shan sano, ayaa sannadkii hore u dhintay abaarta awgeed, sida ay cilmi-baarayaashu ku qiyaaseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here