Midowga Yurub oo Xoojiyay Howlgalada Xeebaha dalka Soomaaliya

0

BRUSSELS – Dowladaha Midowga Yurub ayaa ku heshiiay in la kordhiyo howlgalada badeed ee ka socda xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, iyagoo ka digay in la sameeyo tallaabo militari oo toos ah oo lagu taageero Mareykanka, xilli xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ay sii xoogeysanayso.

Maraakiib dheeri ah iyo qalab cusub ayaa loo diri doonaa howlgalka EU Naval Force Atalanta ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya, iyo sidoo kale howlgalka Operation Aspides ee Badda Cas. Laakiin, EU-da ayaa ka gaabsatay inay awoodda howlgaladan ku fidiso marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, taasoo hore loo soo jeediyay in la sameeyo.

Bayaanka EU-da ayaa si cad u cambaareeyay falalka carqaladeeya xorriyadda maraakiibta, gaar ahaan kuwa saameeya isu socodka shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah. Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada colaadda inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana joojiyaan weerarada lagu beegsanayo kaabeyaasha muhiimka ah sida tamarta iyo biyaha.

Si gaar ah ayaa loogu cambaareeyay tallaabooyinka militari ee Iran, iyagoo ku celiyay in Tehran aan loo oggolaan doonin inay hesho hub nukliyeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here