Mucaaradka K/ Galbeed oo war cusub kasoo saaray doorashada maamulkaasi

0

BAYDHABO (SMN) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin bixiyay qorshaha mucaatadka Koonfur Galbeed ee ku aadan doorashada guud ee maamulkaasi.

 

Jawaari ayaa sheegay inay maanta kulan la qaateen guddoomiyaha baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe, ayna ka hadleen heshiiskii Baydhabo iyo arrinta doorashada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhammaan musharixiinta ay tegayaan Baydhabo, si loo guda galo fulinta heshiiskii horay looga gaaray doorashada Koonfur Galbeed.

“5-ta Bisha October waxaan tagaynaa Baydhabo, iyada oo la hirgalinayo heshiiskii Doorasho” ayuu yiri Prof. Jawaari

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here