Mucaaradka oo dib u dhigaya bannaanbixii loo qorsheeyay 16-ka May

0

Muqdisho — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka Soomaaliya ay goordhow shaacin doonaan dib u dhigista bannaanbixii loo qorsheeyay 16-ka bishan May, si fursad loo siiyo wada-hadallada siyaasadeed ee u socda iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in saacadaha soo socda la filayo inay soo saaraan war-saxaafadeed rasmi ah oo lagu caddeynayo dib u dhigista mudaharaadka.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.

Sidoo kale, maanta oo Jimco ah gelinka dambe ayaa la filayaa inay markale kulmaan xubno ka socda Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda waxaa kulanka uga qeyb galaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.

Wadahadalladan ayaa lagu wadaa inay diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, amniga iyo qodobada kale ee muranka ka taagan yahay, iyadoo la dareemayo isu soo dhawaansho dhinacyada ah maalmahan dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here