MUQDISHO (SMN) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka ayaa ka hor yimid qorshaha wax ka beddelka hannaanka dowladnimada Soomaaliya ee uu haatan wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Warsaxaafadeed ay soo saareen xubnahan oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee dalka, guddoomiyeyaashii hore ee baarlamaanka iyo ra’iisul Wasaarayaal hore ayaa waxaa lagu sheegayu in xilligan aysan suurtagal ahayn in dalka uu yeesh madaxweyne iyo kuxigeen .
Sidoo kale waxa ay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu ka baxay ballankii ay la galeen 11-12 July ee sanadkan, uuna gaaray go’aan kaligiis ah oo ku aadan masiirka dalka.
“Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tallaabsado siyaasad kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed xilli loo baahan yahay in dalka lagu mideeyo la-dagaallanka argagixisada” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen xubnaha.mucaaradka,
Halkan hoose ka akhriso:-