Nin Soomaali ah oo isku gubay jasiirada Qubrus, kadib markii…

0

QUBRUS (SMN) – Nin 23 jir ah oo u dhashay Soomaaliya ayaa isku shubay shidaal bannaanka hore ee xafiisyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Larnaca, wuxuuna isku dayay inuu is-dilo isagoo dab shidaya.

 

Ka hor inta aan la dilin, wuxuu la hadlay shaqaale ka tirsan Adeegga wuxuuna ka cawday in la diiday codsigiisa magangelyo siyaasadeed, taasoo la macno ah inuu ku laabto waddankiisa.

Sida laga soo xigtay Proto Thema, wuxuu watay gasac basiin ah, ka dib markii uu ku faaruqiyay jirkiisa ayuu dab qabadsiiyay. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo goobta ku sugnaa ayaa islamarkiiba soo dhexgalay dabkaasi oo damiyay.

Wiilkan Soomaaliga ah oo 23-sano jir ah ayaa la dhigay Isbitaalka, si loogu daweeyo, maadaama uu aad u gubtay. Xaaladiisa caafimaad ayaa lagu tilmaamay mid halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here