Munaasabad ay ka qayb-galeen madax kala duwan oo ka dhacday Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoonka Golaha Wakiillada DPL ayaa Madaxtooyada Garoowe kaga qayb-galay munaasibad lagu soo dhoweynaayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland shanta sano ee soo socota 2024–2029.

 

Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS Koonfur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Hirshabeelle, Hogaamiyaha SSC Khaatumo, Ra’iisul Wasaarayaal hore ee Soomaaliya, wefti ka socda beesha Caalamka, masuuliyiin ka socda dowladdaha Kenya iyo Jabuuti, wefti ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida, Musharixiintii Madaxweynaha Puntland 2024-2029, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo shacabka Puntland ayaa markale si weyn ugu mahadceliyey Wufuudda Balaadhan ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland, waxa uu si gaar ah u bogaadiyey fanaaniinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ahaa Caleemasaarka Madaxda Puntland.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here