Munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub oo ka dhaceysa Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa saaka xiran waddooyinka gala akademiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye iyo agagaarka xerada Afisyoone, halkaas oo lagu wado inay maanta ka dhacdo dhaarinta xildhibaannada cusub ee dhowaan la doortay.

Fariin uu xalayto Xoghayaha guud ee golaha Shacabka u diray xildhibaanada ayuu ku sheegay in ay berrito 9:00 Aroornimo isugu tagaan akadamiyada generaal Kaahiye, halkaas oo looga soo daabuli doono teendhada Afisyoone oo ay ka dhci doonto dhaarinta xildhibaannada.

In ka badan 200 oo xildhibaan oo ka kooban labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaarinayaa Muqdisho, iyadoo inta hartayna la filayo in maalmaha soo socda la dhaariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here