Muqdisho – Musharrax Madaxweyne Hir-shabelle Cusmaan Maxamuud Cadaawe ayaa kulan muhiim ah waxa uu la qaatay siyaasiyiin kasoo jeedda deegaanada Hir-shabelle.
Kulankan oo ku qabsoomay hoygiisa ayaa siyaasiyiintii ka qeyb gashay waxaa kamid ahaa, gudoomiyihii hore ee gobolka Shabelada Dhexe, Axmed Meyre Makaraan, gudoomiyahii hore ee gobolka Banaadir, Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, Wasiirkii hore ee amniga Cabdullahi Maxamed Nuur iyo siyaasiyiin kale.
Musharrax Madaxweyne Hir-shabelle Cusmaan Maxamuud Cadaawe ayaa lagu wadaa in dhawaan uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulamada wadatashiyada uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Hir-shabelle.
Cusmaan Cadaawe waa aqoonyahan fahansan siyaasadda iyo baahiyaha ka jira Hir-shabelle, waxaana uu kamid yahay Aasaasayaasha xisbiga JSP, waxaana uu diiradda saari doono sidii Bulshada Hir-shabelle ay u heli lahayd Hormar waara, isaga oo qorsheenaya sidii uu kor ugu qaadi lahaa, adeegyada, Waxbarashada, Caafimaadka, dhismaha Kaabayaasha dhaqaalaha, maamul wanaaga, iyo hormarinta Magaalooyinka.




