Muwaadin Soomaali ah oo u geeriyooday dhaawac loogu geystay dalka Turkiga

0

ISTANBUL (SMN) – Allaha ha u naxariistee Baashi Xoosh Jibriil oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee Canada, gaar ahaan magaalada Toronto ayaa sida la sheegay ay tuugo ku dishay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Booliska Turkiga ayaa la sheegay inuu soo qabtay burcadda, waxaana deg deg loo hor-geeyey maxkamad, labo ka mid ah oo ka yaraa da’ada 18 sano ayaa lagu soo oogay dacwad xatooyo, waxaana laga sii daayey xabsiga, halka ninka 3 aad ee feeray Baashi lagu soo oogay inuu geystay dil bareer ah.

Marxuumka ayaa dadka ku cusub Canada iyo guud ahaan Soomaalida dalkaasi ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga, iyo dib u dejinta.

Soomaalida magaalada Toronto ayaa tilmaamay in Baashi uu ahaa qof muhiim u ah bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here