Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka ay yeesheen golaha wasiirada HirShabelle?

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay shir ay caawa Golaha Wasiirada maamulkaasi  ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay’addaha aan dowliga ahayn, Ka doodista Hindise-Sharciyeedka hubka yar-yar ama fudud iyo Warbixinta Golaha deegaanka cusub ee Caasimada Jowhar iyo geedi socodka dhismaha goleyaasha deegaanka Hirshabeelle.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay amaanka guud ee deegaanada Hirshabeelle, qorshe-yaasha howlgalada lagu baacsanayo kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab iyo Howlgalo ciidanka dib u xoreynta deegaanka ay ka wadaan deegaano hoos-yimaado degmada Gamboole.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ayaa ka warbixisay Roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaanada Hirshabeelle kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka danyarta ah.

Golaha Wasiirada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise-Sharciyeedyada kala Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka, Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay’adaha aan dowliga ahayn, Ka doodista Hindise-Sharciyeedka hubka yar-yar ama fudud oo Golaha Wasiirada ay usoo gudbiyeen Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Qorsheynta, iyo Amniga.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa golaha ugu warbixiyay guushii laga gaaray dhismaha golihii deegaanka ee Caasimada Jowhar oo sedex cisho ka hor lasoo gabo-gabeeyay doorashadooda iyo geedi socodka dhismaha goleyaasha deegaanka Hirshabeelle.

Golaha Wasiirada ayaa cod wadar ogol ah ku ansixyay Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay’adaha aan dowliga ahayn iyo Hindise-Sharciyeedka hubka yar-yar.

Golaha Xukuumadda ayaa lagu hor dhaariyay Wasiir Ku Xigeenka cusub ee Wasaarada Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdifitaax Jaamac Warsame (Jeekey)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here