MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyey magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.
Madaxweynaha ayaa khubaddiisa kusoo hadal qaaday ‘abaabulka ka dhanka ah’ Lafta Gareen ee la sheegay inuu ka socda magaalada Muqdisho, isaga oo arrintaasi beeniyey.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in wanaag iyo saaxibtinimo ay kala dhexeyn doonto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Waxaan rabaa dadka reer Koonfur Galbeed, dowladda federaalka xageeda nabadaa idin ka jirto, saaxibtinimaa idin ka jirto, mas’uuliyad iyo dadkii idin ka aad xilka u dhiibateen si toosan iyo si dadban oo aad idinka wakiilateen ayaa idinka jiro. Shar, colaad iyo abaabul qaab daran idin kama jiraan xaggaas.” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa soo baxayey weerar sheegayey in Muqdisho laga abaabulayo ‘mooshin xilka looga tuurayo’ Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka mid ahaa saaxibadii sida dhow ula shaqeynayey Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.