Maleeshiyaad hubeysan oo dil ka geystay duleedka magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Xiisad colaadeed oo salka ku heyso dilal la xriira aano Qabiil ayaa lagu soo warramayaa inay saaka ka taagan tahay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xiisadda ayaa ka dhalatay dilka laba qof oo rayid ahaa oo xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen deegaanka Diif, iyaga oo kadib goobta isaga baxsaday.

Dadka la dilay ayaa ahaa isku qoys, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen ilo deegaanka ah, waxaana haatan xaaladda ay tahay mid aad u kacsan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sidoo kale ku baxay xiisaddaasi, waxayna dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan agaarka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa deegaanka Diif ka taagnaa xiisado colaadeed, waxaana sidoo kale ka dhacay dagaallo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here