Muxuu Rooble ka yiri doorashada beelaha Banaadiriga ee lagu qabtay Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray doorashada xubnaha beelaha Banaadiriga ee maanta lagu qabtay magaalada  Muqdisho.

Rooble ayaa boggaadiyey sida ay u dhacday doorashada, wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray shanta xubnood ee soo baxay.

Halkan hoose ka aqriso:- 

Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Muqdisho, waxaanna u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo gebogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi.

Waxaan u mahadcelinayaa guddiyadii doorashada maamulay, ciidammada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay.

Waxaan rajeynayaa in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee harsan ay ku soo dhammaato muddadii uu isla gartay Golaha Wadatashiga Qaranku ee 15-ka Maarso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here