Muxuu Sheekh Aadan Madoobe ka yiri qaadista cunaqabateynta hubka?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka u diray dadka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiye Sheekh Madoobe oo xusay dadaalka Dowladda ay ku bixisay in la qaado cunaqabateynta hubka, iyo faa’iidada ay leedahay ayuu ku sheegay in qeyb weyn ka qaadan doono xorreynta degaannada Al-Shabaab ay ku suganyihiin iyo inaan si casri ah u qalabeyno ciidankeena.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa u mahadceliyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyay in Soomaaliya cunaqabataynta hubka la qaaday wixii haatan ka dambeeya.

Soomaaliya waxa ay haatan la daalaa dhacaysaa caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here