Muxuu Siciid Deni ka yiri guusha Madaxweyne Xasan Sheekh?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxwehnaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo loo doortay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

“Waxaan u hambalyeeynaya Madaxwehnaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa masuul hore usoo shaqeeyay wuxuuna ku yimi isbedel dalka ka dhacay. Waxaan u rajeynaya in alle u fududeeyo Xilka loo doortay.

Waxaan u mahadcelinaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS intii codka isiisay iyo intaan isiin, Guddoonka Golaha Shacabka, Guddiga Doorashadda Madaxweynaha JFS, Labada heer ee Guddiyadii Doorashada Xildhibaanada kasoo shaqeeyay iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal ku bixiyey in dalka Doorasho ka dhacdo.

Doorashada Madaxweynaha JFS in ay inoo qabsoomto, howl badan iyo shaqo badan ayaa laga soo maray, ilaahay ayaa mahadleh si wanaagsan oo nabad ah inoogu dhameeyay, waynu wada guuleysanay isbedelka dhacayna waxaan rajeynaya in uu dalkeena u jiheeyo dhinaca wanaagsan.

Guuleysta,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa lafdhabar u noqday Isbedelka dalka ka dhacay, wuxuuna u rajeeyay mid Soomaaliya ku jiheeya nabad, barwaaqo iyo horumar wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here