Farmaajo oo maamuus u sameeyey xulka ku guuleystay ciyaaraha Puntland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Xulka ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha oo Xulka ugu hambalyeeyey guushii ay gaareen ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin xasilloonida, isdhexgalka dhallinyarada iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta tahriibka iyo qabyaaladda.

Munaasabadda waxa ka soo qeyb-galay Wasiirrada Wasaaradaha, Dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Xamsa Siciid Xamsa, Qorshaynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed  Xasan iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here