NIRA iyo NADRA oo xoojinaya iskaashiga dhinaca nidaamyada aqoonsiga

0

Islamabad – Wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle, ayaa booqday Hay’adda Qaranka ee Xogta iyo Diiwaangelinta Pakistan (NADRA), iyadoo ujeeddadu ahayd xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada hay’adood ee dhinaca nidaamyada aqoonsiga.

 

Kulanka ayaa looga hadlay khibradda Pakistan ee aqoonsiga dhijitaalka ah iyo kaabayaasha adeegyada dadweynaha, iyo sidoo kale fursadaha lagu sii horumarin karo nidaamka aqoonsiga iyo diiwaangelinta Soomaaliya. Maareeyaha Guud ee NIRA ayaa NADRA uga mahadceliyay taageerada farsamo ee ay ka geysaneyso hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wadaagga khibradaha iyo aqoonta labada dhinac.

Labada hay’adood ayaa sidoo kale adkeeyay in aqoonsiga qaranku laf-dhabar u yahay kaabayaasha muhiimka u ah xoojinta dowladnimada, kobcinta kalsoonida shacabka, ka-qaybgalka bulshada iyo fududeynta helitaanka adeegyada maaliyadeed iyo kuwa dadweynaha. NIRA ayaa sidoo kale uga mahadcelisay Hay’adda UNDP doorkeeda ku aaddan fududeynta iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta wadaagga khibradaha iyo aqoonta ee Soomaaliya iyo Pakistan.

May be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here