NISA oo Digniin Adag u dirtay Ganacsatada iyo Bulshada Soomaaliyeed

0

Muqdisho, Luulyo 21, 2025 – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay bilowday hawlgal ballaaran oo lagu baarayo hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab, iyadoo si gaar ah isha ugu haysa lacagaha kooxdaasi ku urursato magaca “Zakawaad”.

 

NISA ayaa si cad u sheegtay in lacago badan oo lagu bixinayo cabsida iyo hanjabaadda kooxda Khawaarijta ah ay sababayaan maalgelin toos ah oo lagu taageerayo argagixisada. Hay’addu waxay u dirtay digniin adag ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho, iyadoo uga digtay in ay ku lug yeeshaan bixinta lacagahaasi.

“Qof kasta oo lagu helo inuu bixiyay lacag ay kooxdu ku sheegto ‘Zakawaad’, waxaa lagu dabaqi doonaa sharciga la dagaallanka maalgelinta argagixisada,” ayay NISA ku sheegtay war rasmi ah oo ay maanta soo saartay.

Sidoo kale, hay’addu waxay carrabka ku adkaysay in shakhsi kasta ama hay’ad samafal ama ganacsi ah oo lagu ogaado inuu xiriir maaliyadeed la leeyahay kooxda Al-Shabaab ay wajihi doonaan tallaabo sharciyeed oo deg-deg ah, iyadoo la raacayo xeerarka gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee lidka ku ah maalgelinta kooxaha xagjirka ah.

NISA waxay shacabka ku dhiirrigelisay in ay si degdeg ah ula wadaagaan hay’adaha amniga wixii xog ah ee la xiriira dhaqaalaha laga ururiyo magaca baadda, ama cadaadis kasta oo kaga yimaada kooxda Al-Shabaab.

“Sugidda amniga qaranka waxay bilaabataa marka laga hortago dhaqaale-siinta kooxaha dhibta ku haya shacabka. Waqtigu waa mid halis ah, looma dulqaadan karo maalgelin toos ah ama dad shabakad u ah kooxaha argagixisada,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka NISA.

Warkan wuxuu imaanayaa iyadoo dalka uu wajahayey culaysyo amni iyo dhaqaale oo ay sababeen falalka Al-Shabaab, waxaana muuqata in dowladda Soomaaliya ay markan si toos ah u wajahday la dagaalanka khatarta dhaqaale ee kooxdaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here