NISA oo Gacanta Ku Dhigtay Walxo Qaraxyo Laga Sameeyo oo Loo Wadey Al-Shabaab

0

SHABEELLAHA HOOSE – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada deegaanka, ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay walxo kiimiko ah oo loo adeegsado samaynta qaraxyada, kuwaas oo la sheegay in loo waday kooxda Al-Shabaab.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu yimid kadib markii ciidamada ammaanka ay muddo ku daba jireen dhaqdhaqaaqyo la xiriiray gaarsiinta walxahaasi, iyagoo ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan ka hor inta aysan gaarin goobihii loogu talagalay.

Sida lagu sheegay warbixinta, walxaha kiimikada ah ayaa ku jiray in ka badan boqol jirgaan, waxaana kooxda Al-Shabaab la sheegay inay ku duugtay meel ku dhow deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay ogaadeen in hay’adaha ammaanku ku raad joogaan.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta ka soo saaray dhammaan walxihii la qariyey, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen agab muhiim u ahaa qorshayaal lagu diyaarinayey weerarro qaraxyo iyo falal kale oo amniga lid ku ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wiiqeyso awoodda Al-Shabaab, gaar ahaan joojinta sahayda, dhaqaalaha iyo agabka ay kooxdaasi u adeegsato fulinta weerarrada argagixisanimo.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada, islamarkaana ay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo, si loo xoojiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here