NISA oo gacanta ku soo dhigtay nin Al-Shabaab hubka uga soo iibin jiray dibadda

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee Al-Shabaab uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto xilli uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here