NISA oo shabakad ka tirsan Al-Shabaab ku qabatay magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Ciidamada nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka fuliyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay taliska nabad sugida ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi lagu soo qabtay shabakad ka kooban 12 qof oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale taliska NISA ayaa shaaca ka qaaday in dadka lasoo qabtay ay ku jiraan kuwa qaba baahiyaha gaarka ah, isla-markaana loo diyaarinayey howl-gallo amni darro ah.

Ugu dambeyn laamaha ammaanka ayaa sheegay in cadaaladda ay horkeeni doonaan dadka lasoo qabtay oo isugu jiro rag iyo dumar.

Baydhabo ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here