MUQDISHO, Soomaaliya — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay dishay Faysal Yuusuf Macallin Cabdulle, oo hore u maamuli jiray dhaqaalaha Al-Shabaab, howlgal qorsheysan oo 23-kii Oktoobar ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
NISA ayaa sheegtay in Faysal, oo sidoo kale loo yaqaanay Cabdikariin Horseed ama Gaagaale, uu hore u ahaa madaxa guud ee maaliyadda kooxda, isla markaana uu ka mid ahaa xubnaha sida dhow ula shaqeeya hoggaankeeda sare.
Sida ay sheegtay hay’addu, Faysal ayaa Al-Shabaab si qarsoodi ah ugu biiray sannadkii 2007, xilligaas oo uu ka shaqeynayay dukaan ku yaallay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, kaas oo NISA ay sheegtay inuu gabbaad u ahaa dhaqdhaqaaqiisa.
Intii u dhexeysay 2007 iyo 2011, wuxuu madax ka ahaa xafiiska maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, isaga oo maamulayay lacagaha kooxda ay baadda uga qaaddo shacabka, sida ay sheegtay NISA.
Sannadihii 2011 ilaa 2014, wuxuu noqday madaxa guud ee xisaabaadka kooxda, ka hor inta uusan sannadkaas la wareegin xilka ugu sarreeya ee maaliyadda, kaas oo uu hayay ilaa 2024.
Faysal waxaa xilka kala wareegay Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad. NISA ayaa sheegtay in isaguna lagu dilay howlgal dhacay 23-kii Janaayo 2026, kaas oo isla deegaanka Kuunyo Barrow laga fuliyay.
Hay’addu waxay sheegtay in dilka labadan xubnood ee isaga dambeeyay hoggaaminta maaliyadda Al-Shabaab uu dhabar-jab ku yahay hoggaanka iyo shabakadaha dhaqaale ee kooxda.
Al-Shabaab, oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida, ayaa in ka badan 15 sano dagaal kula jirtay dowladda federaalka Soomaaliya. Kooxdu waxay weerarro ka fulisaa ciidamada ammaanka, saraakiisha dowladda iyo dadka rayidka ah, iyadoo dhaqaale ku hesha lacago baad ah iyo canshuuro khasab ah oo laga qaado ganacsatada iyo bulshada ku nool meelaha ay saameynta ku leedahay.
NISA ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada lagu beegsanayo xubnaha sare ee Al-Shabaab iyo burburinta shabakadaha lacagaha baadda ah ee lagu maalgeliyo weerarrada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.
Hay’addu ma aysan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka 23-kii Oktoobar, mana aysan sheegin in dad kale lagu dilay.
Sheegashooyinka NISA ee ku saabsan doorkii Faysal ee kooxda iyo duruufaha dhimashadiisa si madax-bannaan looma xaqiijin.




