Norway oo baaq culus ka soo saartay doorashooyinka ka socda dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Safaaradda dowladda Norway ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa maanta war cusub kasoo saartay doorashooyinka 2021-ka ee ka socda dalka.

Qoraalkan oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee safaaradda ayaa waxa ay Norway sheegtay inay taageereyso doorasho xalaal oo ka dhacda gudaha Soomaaliya.

“Norway waxay taageereysaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale Norway ayaa sii raacisay “Hadii la helo hogaan wanaagsan, waxaan ku qanacsanahay in Soomaaliya ay horumar ka gaari karto heerka xiga,”.

Beesha caalamka ayaa horay qoraallo is-daba joog ah uga soo saartay doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka oo haatan ay ka taagan tahay dood xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here