Odayaasha Beesha Kursiga HOP135 oo boob ku eedeeyey Cali Guudlaawe

0

JOWHAR (SMN) – Odayaasha dhaqanka beesha Abtisame ee iska leh kursiga HOP135 kaasoo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baladweyne ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen inuu doonayo in kursigooda lagu boobo magaalada Jowhar, ayagoo ku tilmaamay inay sharci daro tahay in doorashada kursiga laga soo wareejiyo magaalada Baladweyne sida uu dhigaayo sharciga number 30 ee ku saleysan heshiiska siyaasadeed ee 17 September.

Nabadoon Maxamed Axmed Ibraahim Foodcade ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu kula balamay odayaashada dhaqanka ee beesha Abtisame inta uunan Baladweyna kasoo tagin inuu muddo 5 maalmood gudahooda kursiga HOP135 doorashadiisa ku qaban doono magaalada Baladweyne oo aanan marnaba laga wareejin doonin.

“Waxaa noo cadaatay in balantii uu naga qaaday Cali Guudlaawe uu ka baxyay, lana doonayo in deegaan doorashada kursigeena loo wareejiyo Jowhar, lagana soo wareejiyo Baladweyne. Wareejintan waa sharci daro iyo dulmi bareer ah oo loo geysanaayo beesha Abtisame si xuquuqdeedii loo duudsiiyo” ayuu dhahay Nabadoon Foodcade.

“Kursi la boobaa waxaa ay keenaysaa Hirshaballe inay burburto iyo kala tag ku yimaado bulshada ku dhaqan Hirshaballe, waxaana masuuliyada qaadaya hogaanka Hirshabelle oo ugu horeeyo Madaxweynaha” ayuu raaciyay Nabadoon Foodcade.

Isloow Rooble Qaasim oo ka mid ah dhaqanka beesha Abtisame ayaa sidoo kale ku tilmaamay warqada kasoo baxday guddiga FEIT ee lagu sheegay in kursiga laga soo wareejiyo Baladweyne loona wareejiyo Jowhar mid aan sharci ku fadhin oo lagu doonayo in boob kursi lagu xalaaleysto.

“Kursiga Abtisame waxaa la doonayaa in lagu boobo Jowhar waana arrin iska cad oo laga soo shaqeynaayay muddo. Markii nagula xoogi waayay Baladweyne ayaa loola soo cararay Jowhar. Waa dulmi aanan marnaba aqbali doonin” ayuu sheegay Isloow Rooble Qaasim.

“Waxaa nasiib daro ah in Cali Guudlaawe uu maanta banaanka is keenay uuna ku sifoobay colaad abuur iyo dagaal cad oo uu kusoo qaaday beesha Abtisame taasoo ku doonayo in kursigeena magaalada Jowhar lagu boobo. Colaada uu abuurtay iyo naceybka asagay dhibeysaa, beesheenana ma aqbali doonto dulmiga uu wado Cali Guudlaawe” ayuu yiri Nabadoon Aadan Raaxo Jecel.

Nabadoona dhaqanka Abtisame ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu yahay madaxweynihii ugu horeeyay ee ku dhiirada inuu si bareer ah u dulmiyo beesha Abtisame, waxayna hoosta ka xariiqeen inay keenayso in Hirshabelle ay ku burburto gacanta Cali Guudlaawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here