Diyaarad rakaab sidday oo ku dhacday badda agagaarka Garoonka Aadan Cadde
Muqdisho – Diyaarad siday dad shacab ah ayaa ku dhacday dhinaca badda ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho, kaddib markii ay isku dayday inay kacdo, sida ay sheegeen ilo ku sugan garoonka.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in diyaarada ay la kulantay cilad farsamo, taas oo keentay in ay ku degto ama ku dhacdo badda ku dhow garoonka....
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, si uu qiimeyn ugu sameeyo heerka adeegyada kala duwan ee loo fidiyo bulshada iyo habsami u socodka hay’adaha ka hawlgala garoonka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si dhow u eegay adeegyada muhiimka ah ee...
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo BTK oo heshiis iskaashi lagu xoojiyo isgaarsiinta elektaroonigga ah ku saxiixday Ankara
Ankara, Türkiye – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.
Heshiiskan, labada hay’adood waxay iska kaashan doonaan nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka (cybersecurity), maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qodobo...
Senior Al-Shabaab leader killed in Somalia air operation, officials say
SAAKOW, Somalia — Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA), working with international partners, has killed a senior Al-Shabaab commander in an operation carried out outside the town of Saakow in the Middle Juba region, security officials said.
The operation was part of intensified efforts to dismantle the Islamist group, which has been fighting the Somali government for more than...
Somalia, Saudi Arabia discuss boosting security cooperation
RIYADH — Somalia’s interior security minister Abdullahi Sheikh Ismail, known as Fartaag, met Saudi Arabia’s deputy interior minister Prince Abdulaziz bin Ayyaf in Riyadh to discuss strengthening security cooperation between the two countries, Somali officials said.
The talks focused on counterterrorism efforts, security coordination, the exchange of expertise and closer cooperation between the security institutions of Somalia and Saudi Arabia....
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ka furay Aqoon-is-weydaarsi
Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Yuusuf Xasan Isaaq (Wadani), ayaa magaalada Muqdisho ka furay Aqoon-is-weydaarsi (CCA Workshop) oo diiradda lagu saarayo xoojinta isku-dubaridka wax ka qabashada masiibooyinka iyo horumarinta nidaamyada ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah.
Aqoon-is-weydaarsiga, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MoLSA), ayaa lagu falanqeynayaa sidii loo...
Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada oo Muqdisho ka furay tababar
Muqdisho – Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar soconaya saddex maalmood, kaas oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ka kala socda hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo daneeyayaasha dhaqaalaha isbeddelka cimilada.
Tababarka ayaa diiradda saaraya xoojinta awoodda qaranka ee helitaanka maalgelinta cimilada, fahamka habraacyada Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate Fund...
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Sacuudiga kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha
Riyaad – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha amni, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha...
NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjooge sare oo Tirsanaa Al-Shabaab
Saakow – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgal guul ku dhammaaday oo ka dhacay banaanka magaalada Saakow, gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha sar sare ee kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, kuwaas oo si joogto ah uga...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi sare oo ka socda Dowladda Jarmalka
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka, Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo qodobo kale oo dan-wadaag ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga uga...











