PUNTLAND oo ka digtay roobab iyo dabaylo ku wajahan xeebaha gobolka Bari

0

Puntland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan dabaylo iyo roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay 48 saac ee soo socda ku dhuftaan xeebaha gobolka Bari ee maamulkaasi

Warqad ka soo baxday maamulka gobolka Bari ee Puntland ayaa loogu baaqay bulshada ku nool qaar ka mid ah Gobolka Bari inay ka fogaadaan deegaanada  Xeebta ku dhow, gaar ahaan ogaga iyo dhulka banaan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab xoogleh iyo dabeeylo dhanka bada u badan hadii alle idmo sida saadaasha cimiladu sheegeyso.

hadaba waxaa la farayaa shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.

Sidoo kale waxa la faray Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Bari in ay 48 saac ee socoda ay wax gaadiid ah u bixi karrin bada, sidoo kale waxa la faray Isu-Duwayaasha Wasaaradaha Dekadaha Iyo Kaluumaysiga in ay si dhow uga war-hayaan arrintaas.

Sidoo kale waxa ay gaarri kartaa Gobolka Gardafuu waa in aay aad uga taxadaraan arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here