Puntland oo shaacisay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka

0

BOOSAASO (SMN) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa soo saaray liiska doorashada kuraas ka mid ah xubnaha deegaanm doorashadoodu tahay Boosaaso.

Kuraasta la shaaciyey oo gaaraya 16 ayaa kala ah:-Hop#220, Hop#169, Hop#076, Hop#149, Hop#157, Hop#142, Hop#227, Hop#190, Hop#228, Hop#234, Hop#273, Hop#083, Hop#222, Hop#036, Hop#027 & Hop#158.

Waa kuraastii ugu horreysay oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Puntland.

Si kastaba, tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii ay horey doorashada uga gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here