Puntland oo shaacisay inaysan aqoonsanayn SSC-Khaatumo

0

GAROOWE – Puntland ayaa si rasmi ah u sheegtay inay soo dhoweyneyso go’aankii kasoo baxay Isimada Beesha Dhulbahante 6-dii February 2023 ee magaalada Laascaanood, kaas oo muujinayay mowqif cad oo ku saabsan aayahooda siyaasadeed, iyadoo sidoo kale Puntland ay door muuqda ku lahayd halgankii dib loogu soo celiyay gacanta beesha Dhulbahante magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, 25-kii August 2023.

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa sheegtay in Dowladda Puntland ay markaasba ku dhawaaqday inay taageereyso in hogaanka dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Dhulbahante ay isugu yimaadaan shir wadatashi, kaasoo horseeda shirweyne guud oo dhex mara beelaha Puntland oo ay beeshu ka mid tahay, si looga arrinsado mustaqbalka deegaanka iyo doorkooda siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, shirarkii wadatashiga ahaa lama qaban, iyadoo aan wali la gorfeeyn mustaqbalka sharci ee deegaannada Beesha Dhulbahante iyo sida ay qayb uga sii ahaanayaan nidaamka Dowladeed ee Puntland.

Caddeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland:

  1. Sida uu dhigayo Dastuurka Puntland (Qodobka 7-aad iyo 138-aad), Gobollada Sool iyo Cayn, iyo beelaha dega, waxay si buuxda uga mid yihiin maamulka Puntland tan iyo aasaaskii sannadkii 1998.
  2. Haddii deegaan ama beel ka tirsan Puntland ay doonayaan inay yeeshaan maamul u gaar ah, waa in si sharci ah loo maraa oo ay ka dhaxeyso wadatashi dhab ah beelihii dhisay Puntland 1998.

Go’aannada Dowladda Puntland:

  1. Ilaa iyo inta aan la helin hannaan sharci ah oo ku saleysan wadatashi guud, beelaha dega Sool iyo Cayn waxay weli yihiin qeyb ka mid ah Puntland, iyagoo hoos imaanaya dastuurka iyo sharciga Puntland.
  2. Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareyneysaa faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso amniga Puntland, iyadoo doonaysa in ay carqaladeyso dowladnimada iyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada Daacish iyo Al-Shabaab.
  3. Puntland waxay ugu baaqeysaa shacabka Reer Puntland in ay ilaashadaan midnimadooda, amnigooda, iyo dowladnimada ay ku dhiseen iskaashi iyo is-afgarad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here