Puntland oo shaacisay xilliga ay qabaneyso doorashada Aqalka Sare

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamul goboleedka puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddigan ayaaa ka kooban illaa shan xubnood, waxayna kala yihiin:-

  1. Xil. Axmed Jaamac Cabdulle Guddoomiye
  2. Xil. Sharmaarke Cali Cilmi Xubin
  3. Xil. Cabdiraxmaan Jaabiri Samata Xubin
  4. Xil. Cabdirisaaq Maxamed Saha Xubin
  5. Xil. Cabdiqani Nuur Faarax Xubin

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha wakiillada dowlad Goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku dhawaaqay in 11/08/2021 ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare.

Si kastaba, xalay ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland uu shaaciyey liiska xubnaha musharraxiinta ee u tartamaya ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here