Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin wax ka beddelka dastuurka dalka

0

GAROOWE (SMN) – Puntland oo soo saartay War-saxaafadeed ka kooban laba bog ayaa si cad u sheegtay in aysan gebi ahaanba aqoonsan doonin, una hoggaansami doonin, kuna dhaqmi doonin wax ka bedelka kasta oo qaab aan heshiis lagu hayn loogu sameeyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

 

“Haddii la meel mariyo isku dayga samaynta Dastuur cusub Puntland uma hogaansami doonto mana aqoonsan doonto, kuna dhaqmi doonto wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka oo aan heshiis lagu wada ahayn”.

“Baarlamaanka Soomaaliya awood iyo sharciyad midna umalaha samaynta dastuur cusub, waxaa dhammaystirka u baahan waa qodobo kooban oo kali ah, saxna ma ah in dastuurka dalka oo dhan la beddalo muranna la geliyo wixii umaddu ku heshiisay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa uga digtay Madaxweynaha Soomaaliya in uu sii wado dedaalka kaligiis ah ee qorista Dastuurka cusub fursadna la siiyo wada hadallo lagu illaalinayo midnimada dalka iyo badbaadinta hannaanta Federaalka ah iyo Dastuurka kumeel-gaarka ah ee heshiiska lagu yahay.

Halkan hoose ka akhriso:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here