Puntland oo sheegtay inay soo afjartay dagaal ka dhacay deegaanka Laag

0

Boosaaso – Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay la wareegeen gaadiid dagaal, hub iyo maxaabiis kadib dagaal ka dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamo ka tirsan Puntland iyo Ciidanka PSF.

 

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday tan iyo shalay uu ka dhacay dhul buuraley ah, iyadoo ilo kala duwan ay sheegayaan in Ciidanka PSF, oo horey u tababaray Mareykanka, ay la kulmeen go’doomin intii uu socday dagaalka. Warbaahinta Puntland ayaa sheegtay in Ciidanka Daraawiishtu ay soo afjareen howlgal ay ku tilmaameen mid lagu beegsanayay kooxo hubeysan oo ay ku eedeeyeen inay muddooyinkii dambe khal-khal amni ka wadeen deegaannada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay taageero iyo abaabul u fidisay kooxahaasi,  ismarkaana ujeeddadoodu ahayd inay waxyeelleeyaan amniga, xasilloonida iyo dowladnimada Puntland. Sida ay sheegtay Puntland, ciidamadeedu waxay howlgalka ku qabteen gaadiid ciidan, hub noocyo kala duwan leh iyo tiro maxaabiis ah, halka ay sheegeen in weli lagu daba jiro xubno ka firxaday goobta dagaalka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taliska Ciidanka PSF ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalka ka dhacay deegaanka Laag iyo eedeymaha ay soo jeedisay Puntland, mana jirto ilo madax-bannaan oo xaqiijiyay sheegashooyinka labada dhinac. Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanaysay, iyadoo marar kala duwan ay labada dhinac is dhaafsadeen eedeymo la xiriira arrimaha amniga iyo siyaasadda. May be an image of helicopter and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here