Puntland oo soo saaray xeer ku saabsan dhismaha Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida

0

Garoowe — Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.008 oo ku saabsan dhismaha Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus.

 

Madaxweynaha ayaa xeerkan ku saleeyay Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad, Farqadiisa 19-aad, isagoo sidoo kale tixgeliyey baahida loo qabo in la horumariyo lana xoojiyo nidaamka garsoorka ciidamada, si loo dardargeliyo cadaaladda iyo kala dambeynta hay’adaha amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay tayeynta maxkamadaha ciidamada, si loo sugo caddaalad hufan oo waafaqsan sharciga, isla markaana loo ilaaliyo nidaamka qaanuuniga ah ee Ciidamada Qalabka Sida. Wuxuu sidoo kale la tashaday Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland kahor soo saarista xeerkan.

Qodobka 1-aad Maxkamadda Sare ee Ciidamada

Waxaa si rasmi ah loo magacaabay xubnaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, kuwaas oo kala ah.

Guddoomiye G/Sare Maxamuud Cabdiqaadir Xasan

Guddoomiye Ku-xigeen: G/Sare Maxamed Faarax Maxamed

Garsoorayaal Dhamme Abshir Cabdi Jaamac, Dhamme Cabdiqafaar Cabdirashiid Maxamuud, Dhamme Maxamed Siciid Cali (Oday), Dhamme Cabdiqani Daahir Jaamac

Xeerilaaliye G/le Jaamac Xirsi Faarax

Kaaliye: L/X/le Maxamed Axmed Maxamed

Qodobka 2-aad Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada

Sidoo kale, waxaa la magacaabay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus, iyadoo xubnaha loo magacaabay ay kala yihiin:

Guddoomiye: G/Dhexe Cabdixakiin Maxamed Siciid.

Garsoorayaal G/le Jaamac Siciid Maxamed, Dhamme Cabdifataax Cabdi Daahir, Dhamme Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf, Dhamme Cabdirisaaq Siciid Cumar

Xeerilaaliye G/Dhexe Maxamed Xuseen Axmed

Kaaliyeyaal L/X/le Faadumo Cabdulaahi Yuusuf, L/X/le Mukhtaar Cali Xuseen

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in xeerkan uu dhaqan gelayo isla marka uu saxiixo, isagoo si rasmi ah u saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here