Puntland oo soo saartay jadwalka doorashada kuraas ka mid ah BF Somalia

0

GAROOWE (SMN) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 10 kursi oo ka mid ah kuraastii ay horey Puntland u shaacisay in doorashooda lagu qabanayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nuugaal.

Kuraasta ayaa waxaa loo kala saaray laba qeybood oo min shan ah, waxaana doorashada qeybta koowaad la qabanayaa 22-ka bishaan Janaayo, sida ku cad jadwalka soo baxay.

Sidoo kale qaybta labaad ayuu guddigu shaaciyey in la qaban doono 25-ka bisha, si loo fuliyo go’aanaddii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee magaalada Muqdisho.

Laba ka mid ah kuraasta ay haatan soo saartay Puntland waxaa sidoo kaleĀ  loo xiray dumarka, si loo ilaaliyo qoondaooda, waxayna kala yihiin HOP#232 iyo HOP#094.

Halkan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here