Qaar kamid ah ciidamadii ku maqnaa dalka Eritrea oo lagu soo celiyay dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay qaar kamid ah ciidamada Soomaaliyeed ee muddada dheer tababarka ku qaadanayay dalka Eritrea.

 

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Badda ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  kadib markii ay soo dhameysteen tababarkii ay ku qaadanayeen dalkaas.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta Shabelle u sheegay in ciidamadu ay haatan ku sugan yihiin garoonka oo ay sidoo kalena joogaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Soo celinta ciidamadan ayaa timid, kadib markii todobaadkii hore uu madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho ku tegay Eritera, ayada oo ujeedka uu ahaa soo celinta ciidamadan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday ciidamada lugta ee lagu tababarayo dalkaas, maadaama ay haatan dowladdiisu dagaal adag kula jirto Al-Shabaab.

Eritrea ayaa waxay tababartay in ka badan 5,000 oo askari oo Soomaali ah, kuwaas oo dalkaas ku sugnaa muddo sanado ah, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Qeybtii ugu horreysay ee ciidankaas ayey dowladdu dalka dib ugu soo celisay bishii December 2022-kii, kuwaas oo hadda qayb ka ah dagaalka ka socda dalka.

Soomaaliya waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Si kastaba, waxaa dhowaan la filayaa inuu billowda wajiga labaad ee howlgalka oo lagu wado inay ku soo biiraan ciidamo horleh oo ka socda dalalka dariska, sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya oo la’isku yiraahdi waddamada safka hore, qaybna ka ah howlgalka ATMIS.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here