QM oo cunaqabatayn kuso rogtay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

 

Go’aanka ayaa la shaaciyay Maanta oo Khamiis ah, May 23, 2024, waxaana lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo katirsan Al-Shabaab, kuwaasoo loo aqoonsaday inay yihiin shakhsiyaad khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo mid ka gobolka Geeska Afrika:

Waxay kala yihiin Saraakiisha Al-Shabaab ee la saarey xayiraadda:

1- Cabduqaadir Maxamed Ikrima oo ah muwaadin Soomaaliyeed, sidoo kalena heysta baasaboorka Kenya.
2. Maxamed Maxamuud Mire.
3. Maxamed Cumar Maxamed.

Cunaqabataynta ayaa waxaa ka mid ah in la xayiro hantida dibadda ku leeyihiin iyo xayiraad dhanka socdaalka ah, iyadoo la doonayo in lagu carqaladeeyo dhaqdhaqaaqyada shaqsiyaadkan iyo ururka ay matalaan. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay socdaan dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya, oo ah dal sannado badan la daalaa dhacayay falal argagaxiso iyo dagaallo.

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhow ula shaqeysa saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, si loola dagaallamo Al-Shabaab oo gacanta ku heysa qeybo ka mid ah dalka. Cunaqabateyntan ayaa ah tallaabo horumar leh oo laga gaaray dagaalka socda, taasoo muujineysa sida ay beesha caalamka uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Dowladda UK ayaa sidoo kale muujisay taageerada dadaalladan, iyadoo ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto argagixisada si loo helo mustaqbal ammaan ah oo dhammaan Soomaalida helaan. Tallaabadan ayaa dad badan ay soo dhaweeyeen, iyagoo u arka inay tahay tallaabo lagama maarmaan u ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Ilaa hadda waxaa la sugayaa saameynta ay cunaqabateyntan ku yeelan karto howlgallada Al-Shabaab iyo jawaabta ay kooxda ka bixin doonto. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadani waxay diraysaa fariin adag oo ah in beesha caalamku ay si midaysan uga hortagto argagixisada ayna diyaar u tahay inay taageerto dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here