Muqdisho – Hawlgalka Hawlgalka Kumeelgaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo kala-guur siyaasadeed ah, kadib wadahadallo dhacay 13–15 May oo u dhexeeyay dhinacyada siyaasadda dalka.
Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay dib u bilaabista wadahadallada, isla markaana uga mahadcelisay saaxiibbada caalamiga ah doorka ay ka qaateen fududeynta iyo taageeridda kulamadaasi. Si kastaba ha ahaatee, UNTMIS waxay muujisay in ay ka xuntahay in kulamadii dhacay ay ku soo dhammaadeen iyada oo aan xal buuxa laga gaarin khilaafaadkii taagnaa.
Hawlgalka QM ayaa ku adkeeyay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay muujiyaan ka go’naansho dhab ah oo ku aaddan sii wadista wadahadalka, si loo gaaro xal waara oo la isku raacsan yahay, gaar ahaan arrimaha la xiriira qaabka doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, UNTMIS waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha in ay u midoobaan wax ka qabashada xaaladda bani’aadantinimo ee dalka ka jirta, iyo sidoo kale la dagaallanka khatarta joogtada ah ee ay Al-Shabaab ku hayso amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada lagu xoojinayo wadajirka siyaasadeed iyo ka gudbidda kala qaybsanaanta ka dhex jirta hoggaanka dalka.




