Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

MUQDISHO — Howlgalka QM ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh, ee ku aaddan gogosha wadatashi ee u fidiyay Golaha Mustaqbalka, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo lagu gaari karo is-afgarad qaran.

 

Qoraal ay soo saartay, hay’addu waxay ku sheegtay in casuumaaddan ay tahay “tallaabo muhim ah oo lagu dhisayo is-afgarad ku saabsan arrimaha mudnaanta leh ee qaranka,” xilli uu dalku wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

UNTMIS ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay ka qayb qaataan wadahadal ku dhisan mabda’ iyo niyad-wanaag, si xal waara looga gaaro khilaafaadka taagan.

Hay’addu waxay sidoo kale caddeysay inay diyaar u tahay, iyada iyo beesha caalamka, taageeridda hannaan hufan oo loo dhan yahay, kaas oo lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed ee weli horyaalla Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here