Qaramada Midoobay oo war kasoo saartay xaaladda magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FAO, ayaa ku baaqday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen fatahaadaha Wabiga Shabelle ee ku dhuftay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Fatahaada ayaa saameysay in ka badan 200,000 oo qof iyadoo ku dhawaad boqolkiiba 79 ay biyo qariyeen Magaalada Baladweyne, sida uu sheegay Ezana Kassa oo ah madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabelle ay saameyn xooggan ku yeelatay beeraleyda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Baaqan ayaa Hay’adda FAO waxaa ku wehliya wasaaradda Maareynta iyo Musiibooyinka ee Maamulka Hirshabelle si wax looga qabto saameynta ka dhalatay fatahaadaha uu wabiga ka sameeyay Magaalada Baladweyne.

Qoraal dhowaan ka soo baxay Hay’adda UNOCHA ayaa lagu xusay in xaafadaha iyo Waddooyinka Magaalada Baladweyne ay qariyeen biyo, taasi oo saameyn ku yeelatay dad lagu qiyaasay 460,470 qof, kuwaas oo ku dhawaad 219,000 ka mid ahna ay isaga carareen guryihii ay ka deganaayeen Magaalada Baladweyne.

Hay’adda UNOCHA ayaa sheegtay in fatahaada wabiga ayaa sidoo kale burburisay guryo, dhul beereed, iyo xoolo, halka saameyna ay ku yeesheen Isbitaaalka guud ee Magaalada iyo goobihii waxbarashada sida Iskuullada iyo Dugsiyada Quraanka laga barto.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabella ayaa sheegay in fatahaaduhu ay noqdeen kuwo soo noq noqda iyada oo xusid mudan in dhacdooyinka loo aaneynayo isbedelka cimilada.

Dhinaca kale, kumanaan qoys qoys oo ka cararay Magaalada Baladweyne ayaa haatan xaalad nolol xumo ku heysataa duleedka xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo Magaalada Baladweyne lagu wada in ay gaaraan gaadiid gargaar cunno ka daabulay Magaalada Muqdisho.

Si-kastaba, Hay’adda gargaarka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan xooggan ka muujiyay masiibada ka dhacday Magaalada Baladweyne, iyagoona ku baaqay in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa fatahaada soo noq noqtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here