Qarax ay ku dhaawacmeen xildhibaano oo ka dhacay magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo ay ku dhaawacmeen xildhibaano ka tirsan maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiintaasi iyo dad kale oo shacab ah.

Xildhibaanada dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf Cabduqaadir Karaani, kuwaas oo dhaawacyadooda loola cararay isbitaalka magaalada.

Wararka ayaa inaasi ku daraya in qaraxa uu ku dhintay nabadoon magaciisa lagu soo koobay Coosey oo ka mid ahaa waxgaradka ku dhaqan magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo haatan baaritaano ka wada xaafadda Kulmis oo ah meesha uu ka dhacay weerarka qaraxa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here