Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar is-miidaamin ahaa oo saaka lagu qaaday saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare kala duwan oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Taliska ciidamada Xoogga dalka oo war ka soo saaray qaraxaasi ayaa sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen illaa afar askari oo ka mid ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay ku dhaawacday saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Weerarkan is-miidaaninta ah ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka wadeen gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here