Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, islamarkaana uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ku shaaxayeen dadweyne fara badan, islamarkaana u dhow xerada ciidamada ee loo yaqaano Nacnaca.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay illaa 4 qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale oo u badan dad shacab ah.

Waa qaraxii labaad oo ismiidaamin ah oo todobaadkan gudihiisa ka dhacaya caasimadda, waxaana weerarkan kii ka horreeyey lagu dhaawacay afhayeenka xukuumadda federaalka ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here