Qarax khasaare gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax barqnimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino uu ka dhacay laamiga dheer ee aada dhanka xarunta degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan Guutaale.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in qaraxan lala beegsaday gaari uu la socday taliyaha Nabad Sugidda degmada Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi oo loo yaqaano (Seedi-Xume), kaas oo la soo wariyay inuu ka bad-badaay qarax loo dhigay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qof, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo kale, sida aanu kasoo xiganay laamaha amniga.

Labada qof ee dhintay mid kamid ah wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidanka ilaalada ee taliyaya la qarxiyay, halka qofka kalena uu ahaa shacab, kaas oo waddada marayay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada uu qaraxu ka dhacay oo ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa degmadan ka dhacayay qaraxyo, inkastoo qaarkood ay fashiliyeen ciidamada anmaanka ee dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya caasimada, waxaana dhinac kale barbar socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan dagaal adag kula jirto Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hooyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here